Rasmi:Real Madrid ayaa Xaqiijisay in uu Zidane ku soo laabtay shaqada tababaranimo ee Real Madrid

Kooxda kubada cagta ee Real Madrid ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in uu  Macalin  Zidane ku soo laabtay shaqada tababaranimo ee kooxda Real Madrid.

Madaxda sare ee Los Blancos ayaa xaqiijiyay in uu Tababare Santiago Solari isaga tagi doono Kooxda 1-aad ee Real Madrid Laaskiin la siin doono fursad uu kooxda ku sii joogo.

Macalin  Zidane ayaa qalinka ku duugay heshiis 3 sano ah oo uu kooxda Real Madrid ku sii hogaamin doono ilaa xagaaga 2022.

Zidane ayaa ku soo laabtay kooxda Real Madrid 10 bilood kadib markii uu isaga tagay kooxda kadib markii uu kula guulaystay 3 champions League.