Rasmi:Real Madrid Oo La Soo Wareegtay Xiddiga Man City Brahim Diaz

Kooxda Real Madrid ayaa si rasmi ah u dhammeystirtay saxiixa xiddiga Spain ee Brahim Diaz.

Kooxda Los Blancos ayaa Manchester City kala saxiixatay xiddiga 19-jirka Waxaa xusid mudan in muddooyinkii dambe ay kooxda dalka Spain si aad ah u baadi goobeysay saxiixa , waxaana ugu dambeyn ay caawa gacanta ku dhigtay saxiixiisa Brahim Diaz.

Wali lama shaacin qiimaha rasmiga ah ee ay labada koox ku kala heshiiyeen xiddiga Brahim Diaz.

Afar jeer ayuu xilli ciyaareedkan u saftay Diaz kooxda Man City, waxaana uu dhaliyay laba gool.

Waxaa lagu tilmaamaa Messi-ga Spain, Real Madrid ayaana ugu dambeyn gacanta ku dhigtay Brahim Diaz.