Rasmi:Todobaadka kowaad jadwalka kulamada horyaalka Premier League, todobadka ugu horeeya oo lasoo bandhigay

Waxa Si Rasmi ah loo soo saaray Isku aadka Jadwalka Horyaalka premier Leageu xilli ciyaareedka 2019/2020 kaas oo la filayo in uu mar kale noqdo mid si weyn loogu tartamo lagana dhaxlo xiiso iyo xamaasad aad u badan.

Horyaalka premier League xilli ciyaareedka 2019/2020 ayaa si Rasmi ah u bilaabmi doona 9 bisha August kuna beegan Maalin jimce ah iyada oo ay maalintaas noqon doonto bilowga xilli ciyaareedka

Xiriirka Premier League ayaa haatan si Rasmi ah u shaaciyay kulamada maalinta ugu horaysay ee laga ciyaari doono horyaalka premier League iyada oo lagu bilaabi doono kulamo xiiso leh maalinta ugu horaysaba.

Taageerayaasha Kooxaha kala duwan ee Horyaalka premier Leageu ayaa isha ku haya in ay ogaadaan kulamada ay ku bilaaban doonto kooxdoodu iyo waliba kulamada xiisaha leh ee kale.

Halkan Hoose Kaga Bogo Kulamada Laga Ciyaari Doono maalinta Ugu Horaysay todobaadka ugu horeeya ee horyaalka premier League 2019/2020

 Liverpool vs Norwich City 

 West Ham United vs Manchester City 

A.F.C. Bournemouth v Sheffield United 

 Burnley vs Southampton 

Crystal Palace vs Everton 

Leicester City vs  Wolverhampton

Watford vs Brighton 

Tottenham Hotspur vs Aston Villa 

Newcastle United vs Arsenal

Manchester United vs Chelsea No photo description available.