Real Ka Aargudatay Girona Kulan CR7 Uu 4-ley Ka Kacay & Madrid Oo Muujisay Inay Wali Nooshahay

Real Madrid, ayaa waxay kaga aargudatay dhigeeda Girona, guul daradii ay minakeeda kusoo gaarsiisay kulankii koowaad ee fasal ciyaareedkan.

Los Blancos ayaa kooxdaan reer Catalonia, waxay kusoo dhar-baaxday 6-3, ciyaar uu afar-ley uu dhaliyay kabtanka qaranka Portugal, ee Cristiano Ronaldo.

Labadda gool ayaa waxay kooxda Gobolka gooni isku taaga ah waxay uga mahad-naqeysaa ciyaaryahankeeda 31-sano jirka ah ee Christian Stuani.

Stuani ayaa wuxuu shabaqa soo taabtay daqiiqadihii kala ahaa 29aad oo uu kulanku ka dhigay 1-1 qeybta koowaad iyo 67aad oo uu 2-4 ka dhigay.

CR7 ayaa wuxuu kala dhaliyay goolasha afarleyda ah daqiiqadii kala ahaa 11aad ee qeybta koowaad, 47aad ee qeybta labaad, 64aad iyo waliba 90+1aad ee Bogga labaad.

Lucas Vasquez ayaa wuxuu dhaliyay goolka Afaraad ee  Los Blancos kadib markii uu caawimaad qurux badan uu ka helay Crsitiano Ronaldo daqiiqadii 59aad ka hor goolkii 3aad ee CR7.

Gareth Bale, oo kulanka bedal kusoo galay ayaa wuxuu dhaliyay goolkii Shanaad ee Los Blancos ay ka dhaliso kulanka, wuxuuna ahaa mid lagu bedalay Luka Modric.

Match photo

Daqiiqadii 85aad ayuu yimid goolkii Bale, laakiin waxaa ujawaabay laacibka Girona, wiilka lagu magacaabo Juanpe, kaasoo ciyaarta ka dhigay 5-3, daqiiqadii 88aad ee qeybta labaad.

Goolasha afar-leyda ah ee uu dhaliyay Ronaldo ayaa waxay uga dhigan tahay inuu hadda leeyahay 22 gool, marka laga hadlo horyaalka La Liga, wuxuuna 3 gool ka dambeeyaan Lionel Messi oo dhaliyay 25 gool, isagoona lamid ah Luis Suarez.

Guusha ay gaartay Los Blancos ayaa waxay la macno tahay inay yeelaneyso 60 dhibcood marka laga hadlo shaxda kala horeynta ee La Liga, iyagoona Afar Buundo ka dambeeya Atletico Madrid oo fadhisa kaalinta Labaad xili koowaad ay Barcelona ku jirto.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com