Real Madrid ayaa bedelka Weeraryahankeeda Gareth Bale waxa ay ka dhex aragtay Manchester City

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa bedelka Weeraryahankeeda Gareth Bale waxa ay ka dhex aragtaa naadiga Manchester City ee ka dheesha horyaalka Premier League.

Kooxda Los Blancos ayaa indhaha la raacaysa dhaliyaha Man City ee Gabriel Jesus, iyadoo macallin Zidane uu weli raadinayo xiddig uu ka helo goolashii uu Ronaldo kooxda u dhalin jiray.

Sida uu warinayo Warsidaha Don Balon, Kooxda Real Madrid ayaa xiiseynaysa saxiixa Weeraryahanka naadiga Manchester City ee Gabriel Jesus.

Dhaliyaha dalka Brazil ayaa ku hoos jira hooska Sergio Aguero oo ah dooqa koowaad ee Man City tan iyo markii uu garoonka Etihad uga soo dhaqaaqay naadiga Palmeiras sanadkii 2017-kii.

Real Madrid ayaana qorsheynaysa inay soo qaadato xiddigan hibada leh ee 22-sano jirka ah oo ay keento caasimadda Spain horraanta bisha Janaayo ee sanadka cusub sida warbixinnadu ay tilmaamayaan.

Aguero ayaa hoggaaminaya gooldhalinta horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan illaa iyo hadda waxaana uu leeyahay siddeed gool, bandhiggiisa cajiibka ah ayaana ka dhigaya inuu tago Jesus.

Yeelkeede, carqaladda ugu weyn ee ay la kulmi karto Real Madrid ayaa ah in la weydiisan karo heshiis kasta oo ay la yimaadaan adduun dhan 100 milyan oo euro oo u dhiganta 89 milyan oo gini ama 110 milyan oo dollar.

Waxaana loo maleynayaa inay Real Madrid ay isku dayi karto inay soo aruuriso qaar ka mid ah lacagtaas, iyadoo ugu dambeyntii iibin doonta Weeraryahankeeda Gareth Bale.