Real Madrid oo barbardhac la gashay Kooxda Villar Real

Laacib Sports: Cayaartii kululeyd ee dhex martay kooxaha Villar Real iyo Real Madrid ay dhibcaha ku kala qeyb sadeen garoonka Estadio de la Cerámica, kadib markii ay ku kala baxeen barbaro 2-2 ah.

Cayaartaan ayaa labad kooxood u ahaa baaqi wuxuuna ka tirsanaa kulamadii laga soo ciyaaray horyaalka La Liga, maadaama ay Los Blancos xiliga la ciyaari lahaa ku mashquulsaneed koobka kooxaha aduunka ee FIFA Club World Cup oo ay muhiimadda ay siisay.

Naadiga Villar Real oo kulankan ku ciyaareesay garoonkeeda ayaa heshay goolka barbaraha, waxaana daqiiqadii 82-aad ciyaarta 2-2 ka dhigay Santi Cazorla rajo xumana ku riday kooxda Real Madrid.

Guntii iyo gabagabadii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay barbaro 2-2 ay ku kal baxeen labada kooxood Villarreal iyo Real Madrid.

Daawo Goos Goos yada