Real Madrid Oo Guul Muhiim Ah Ka Gaartay Eibar Xili Ronaldo Uu Noqday Geesiga Ciyaarta

Real Madrid ayaa kulan xiiso lahaa waxay kula dheeshay kooxda kubada cagta Eibar gurigeeda, iyadoona ciyaartaan ay ka tirsaneed kulamadii 28-aad ee horyaalka La Liga, ee wadanka Spain.

Kulanka labada kooxood ayaa wuxuu ku bilowday weerar iyo weerar celis, waxaana goolka ku horeysay naadiga kubada cagta Madrid.

Cristiano Ronaldo ayaa wuxuu dhaliyay gool, daqiiqadii 34aad ee qeybta labaad, waxaana goolkaan uu ahaa mid qurux badan.

Qeybta koowaad ayaa waxay ku kala baxeen labadda dhinac 1-0, oo ay ciyaarta ku gacan sareyso Los Blancos, sidaas ayaana lagu kala nastay.

Markii dib leyskugu soo laabtay ciyaarta Eibar ayaa waxay heshay goolka Bareejadda, waxaana udhaliyay daqiiqadii 50aad Ivan Ramis.

Goolkaas wixii ka dambeeyay, kooxda martida loo ahaa ayaa niyad badan yeelatay waxay soo abaabushay weeraro, laakiin daafacyadda Madrid ayaa ka beeniyay.

Daqiiqaddii 84aad ayaa waxaa yimid goolkii guusha ee Madrid, waxaana mar kale shabaqa soo taabtay ciyaaryahan Ronaldo, kaasoo kulanka soo xiray.

Guushaan ayaa waxay Madrid uga dhigan tahay inay hada ay yeelanayso 57 dhibcood, islamarkaana ay kaalinta Saddexaad ay kusii jireyso, maadaama Atletico Madrid ay labaad la fadhiso 61 Buundo halka Barca ay 1aad tahay.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com