Real Madrid Oo Iska Fogeysay Inay Gadaal Ka Riixayso Eedaha Kufsiga Ee Ka Dhanka Ah Ronaldo

War qoraal ah oo kasoo baxay Real Madrid ayaa gaashaanka loogu dhuftay macluumaad uu baahiyey wargeys kasoo baxa dalka Portugal oo ku saabsan inay kooxda ku lug-leedahay eedaha ka dhanka ah Cristiano Ronaldo.

Ronaldo ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu Kufsaday Kathryn Mayorga oo ah Gabar u dhalatay wadanka Mareykanka sanadkii 2009-kii, inkasta oo uu gaashaanka ku dhuftay wiilka Los Blancos.

Joornaalka Correio da Manha ayaa daabacey in Boqorada Spain oo ka carootay bixitaankii CR7 ay isku dayeyso inay carqaladeyso wiilkeeda, inaksta oo ay Madrid iska fogeysay arrinkaasi.

“Real Madrid waxay ku dhawaaqeysaa inay talaabo sharci ah ka qaadeyso wargeyska reer Portugal ee Correio da Manha, kaasi oo baahiyey warar been abuur ah oo wax udhimaya sumcada kooxda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Kooxda waxba kalama socoto macluumaadka warbixinta Joornaalka, sidaas darteeda, Real Madrid arrimo aysan waxba kala socon maba awoodo inay talaabo ka qaado,” ayaa lagu xusay.

“Sikastaba, Real Madrid waxay ka dalbaneysaa warkeyska inuu bixiyo raagelin sax ah oo ku saabsan macluumaadka uu qorey,” ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka wargeyska uu qorey.