Real Madrid Oo Ku Dhawaaqday Macalimiinta Ka Hoos Shaqayn Doonta Maamulaheeda Cusub Ee Julen Lopetegui

Kooxda kubada cagta Real Madrid ayaa waxay magacowday Lixda tababare ee ka hoos-shaqayn doonta maamulaheeda Julen Lopetegui, kaasoo lagu bedalay macalin Zidane oo shaqadda iska casilay.

Lixda caawiye ayaa waxaa saddex kamid ah ay ka yimaadeen xulka qaranka Spain, kuwaasoo kala ah, Pablo Sanz gacan-yaraha koowaad, Oscar Caro oo ah caawiyaha Jirdhiska, iyo Jose Conde, oo isana lamid ah.

Antonio Pintus oo kamid ahaa caawiyaashii Zinedine Zidane ayaa sidoo kale kasoo muuqday wuxuu yahay macalinka dhanka Jirdhiska ee garoonka wayn ee Estadio Santiago Bernabeu kooxda ku dheesha.

Labadda shaqsi ee kale ayaa waxay kala yihiin, Javier Mayoral, oo isana ah dhanka Jirdhiska, iyo waliba tababare qaboojinta ah, iyo Juan Canales, oo ah tababare dhanka Goolhayaha oo cusub.

Isbeladalka lagu sameeyay maamulka Madrid ee dhanka macalinimadda ayaa ka dhigan in kooxda wajiyo cusub iyo kuwa hore ay isku arki doonan dhanka tababarka, iyadoona shaqo badan ay hortaalo.

Talaabooyinkaan ayaa waxaa ay imaanayaa iyadoo uu ka dhawaaqay kooxda reer Spain ciyaaryahan Cristiano Ronaldo, kaasoo door fir-fircoon ku lahaa naadiga difaacaneysa koobka aduunka.