Real Madrid Oo Madaxa Sare U Soo Qaaday Markii Ay Si Diriqi Ah Uga Badiyeen Valencia

Kooxaha Real Madrid iyo Valencia ayaa wada dheelay kulan ciyaareed ka tirsanaa horyaalka La Liga, oo ah midka labaad ee Qaarada Yurub ugu xiisaha badan.

Dheesha oo ka qabsoontay qalcadda Los Blancos ayaa daqiiqadihii loo qorsheeyay waxay kusoo dhamaatay 2-0 oo ay ku badisay Boqorada reer Spain.

Madrid ayaa waxaa goolka koowaad ay ka heshay Daniel Wass, kaasi oo Valencia ka tirsan, balse si aanan ola kac ahayn uga saxiixay naadigiisa.

Lucas Vasquez, ayaa shabaqa ku hubsaday goolka labaad oo ay Real dhalisay, kaasi oo noqonaya midkii labaad oo xiriir ah oo uu saxiixo xidigaan reer Spain.

Inta uu socday kulanka ma jirin ciyaaryahan casaan la siiyay, balse waxaa jiray ciyaaryahano loo qaybiyay kaarka Jaalaha oo labada kooxood ka tirsan.

Guushaan ayaa uga dhigan Real Madrid uga soo galeyso kaalinta Shanaad iyadda oo shaqeysatay kulamadii ay ciyaartay dhibcdo gaaraya 23 buundo.