Real Madrid oo qorshenaysa in bisha Janaayo ay la soo wareegto Eden Hazard

Warar kasoo baxay dalka  Spain ayaa sheegaya in kooxda  Real Madrid ay qorsheheeda ugu weyn bisha Janaayo marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga cayaartoyda uu yahay sidii ay ula soo wareegi lahayd xiddiga kooxda Chelsea ee Eden Hazard.

Shabakadda ‘Cedena SER’ ee Spain ayaa saakay sheegtay in Real Madrid ay si deg deg ah oo badbaadadeeda ay ku jirto ay ugu baahan tahay xiddiga xulka  Belgium ee Hazard.

Hazard ayaa haatan xilli fiican la qaadanaya kooxdiisa Chelsea oo hoggaanka horyaalka ee ay wadaagaan iyaga iyo kooxaha Manchester City iyo Liverpool, waxaana uu ku qiimeysan yahay 200 Milyan oo Giniga balse Real Madrid ayaa aaminsan in qiimaha xidiggaasi la dhimi doono maadaama heshiiskiisu dhacayo 2020-ka.

Kooxda Real Madrid waxa ay dhowaan 35 Milyan oo Gini kula wareegtay goolhayihii Chelsea, Thibaut Courtois, iyadoo la saxiixatay heshiis 6 sanadood ah.

Wargeyska Cedena SER, waxaa kale oo ay xustay in jaceylka uu Hazard u qabo in uu ku biiro kooxdiisa riyada ee Real Madrid ay qayb ka qaadanayso in heshiiskani uu ku dhammaado sida ay RealMadrid doonayso.