Real Madrid Si Xarago Leh Uga Aargudatay Plzen Xili Uu Labo Jeer Shabaqa Soo Taabtay Banzema

Real Madrid oo marti ku ahayd qalcadda caanka ah ee Doosan Arena ayaa si xarago leh waxay uga aargoosatay naadiga Plzen, kuwaasi oo lugtii hore dharbaaxay boqorada Yurub.

Dheesha lugta labaad ayaa waxay Los Blancos ay ku adkaatay in ku dhow nus-darsan goolal ah, kuwaasi oo gaaraya 5-0, xili uu labo kamid ah uu saxiixay Karim Banzame.

Goolasha kale waxay ka kala yimaadeen Gareth Bale oo hal gool ah, Toni Kroos iyo Casemiro oo lamid ah, xili kubad-burburiyaha reer Brazil uu bandhiga furay.

Inta uu socday kulankaan ma jirin ciyaaryahan la siiyey kaar casaan ah, balse waxaa jiray laacibiin loo qaybiyay kaarka Jaalaha ah, kuwaasi oo labada dhinac ka tirsan.

Guushaan ayaa kaga dhigan Cad-cadka inay yeelanayaan Sagaal dhibcood, xili hogaanka Group-ka G ay la hayaan naadiga Talyaaniga ka dhisan ee AS Roma.

Real Madrid ayaa kulanka soo socda waxay la balansan tahay dhigeeda Celta Vigo ciyaar ka qabsoomeysa todobaadka dambe qalcadda naadiga yar, taasi oo La Liga qayb ka ah.