Real Oo Garaacday PSG, CR7 Oo Shabaqa Gaaray & Los Blancos Oo Wareega 8-da U Gudbtay

Real Madrid, ayaa waxay iska xaadirisay wareega Sideed dhamaadka ee tartanka xiisaha leh ee Champions League, kadib markii Isku dar ahaan labadda lugood ay uga soo badiyeen dhigooda PSG, goolal gaaraya 4-2.

Ciyaarta lugta labaad ee labadaan kooxood, oo ka dhacday garoonka PSG, taasoo ahayd mid xiiso leh ayaa waxay soo bandhigeen ciyaartoyda labadda dhinac Bogii koowaad muuqaal ciyaareed aad loogu riyaaqo.

Bareejo goolal la’aan ah [0-0] ayay ku kala baxeen, inkastoo Los Blancos ay ahayd mid ka fursado abuuris fiicneed kooxda martida loo ahaa, waxaya Madrid heshay qeybta koowaad 3 fursadood, oo mid kamid ah ay halis ahayd.

Markii dib leyskugu soo laabtay ciyaarta ayaa waxay Real Madrid, lasoo gashay garoonka si dardar leh, iyadoona abuurtay dhowr fursadood, kuwasoo goolal umuuqan karay, laakiin si sahal ah aan lagu dhalin karin.

Daqiiqadii 51aad, ayaa waxaa yimid goolkii jawiga garoonka qasay, waxaana dhaliyay Cristiano Ronaldo, iyadoona wiilkaan ii si waali ah ugu dabaal-degay goolkaas, wuxuuna muujiyay sida uu ugu farax-san yahay.

Daqiiqado ka dib, goolka CR7, gaara ahaan 66aad ayaa waxaa PSG, karaka Gaduudan laga siiyay ciyaaryahan Marco Varrati, taasoo keentay in wiilasha Unai Emery ay noqdaan kuwa 10 ciyaartoy ama Tobban wiilal.

Laakiin, Kaarkaas ma uusan ka dhigneen inay niyad Jabeen, oo waxaa gool usoo celiyay ciyaaryahan Edinson Cavani, waxaana weerar yahankaan uu dhaliyay goolkaas daqiiqadii 71aad, ee Boga labaad ee ciyaarta.

Laakiin, wiilasha Zidane oo umuuqday kuwa aanan marnaba dooneyn in kulanka uu Bareejo kusoo dhamaaday ayaa si fiican ushaqeeyay dhamaadka ciyaarta iyagoona ku dadaalay in kulanka ay guusha helaan, waxayna sameeyeen fursado cajiib ah

Daqiiqadii 80aad ayaa waxaa yimid gool, kaasoo uu dhaliyay laacibka reer Brazil, ee Casemiro, iyadoona goolkiisaan uu noqday mid guud ahaan bandhiga kulanka soo gaba gabeeyay.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa wuxuu kusoo dhamaaday 2-1, oo ay ku badisay Real Madrid, waxayna labada lugood ka dhigan tahay 4-2, oo ay kusoo baxday Los Blancos, iyadoona iska xaadirisay wareega 8.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com