Red Star 2-0 Liverpool: Milan Pavkov Oo Dardaray Daafacyadda Reds Xili Kooxda Klopp Dhulka Lagu Jiiday

Liverpool ayaa dhabarka loo saariyay guuldaradii ugu horeysay ee tartanka Champions League, taasi oo ay kala kulmeen dhigooda Red Star.

Dheeshii dhex-martay kooxahani oo ka tirsan heerka Group-yadda ee koobka ugu xiisaha badan Yurub ayaa kusoo dhamaaday natiijo dhan 2-0.

Goolasha oo kala yimid qaybta koowaad waxay kooxda martida loo ahaa uga mahad-naqeysaa ciyaaryahankeeda  Milan Pavkov, kaasi oo afka hore ka dheela.

Inta uu socday kulanka ma jirin ciyaaryahan la siiyey kaar Casaan ah, balse waxaa jiray laacibiin, kuwaasi oo loo qaybiyay kaarar Jaalo ah.

Inkasta oo laga badiyay Reds, wali waxay liijaanka uhayaan hoganka Group-ka C, iyaga oo leh Lix dhibcood, wallow natiijada kulanka Napoli v PSG.

Kulanka soo socda waxay kooxda Jurgen Klopp ay la balansan tahay dhigeeda Fulham ciyaar ka tirsan horyaalka Premier League, taasi oo dhaceysa maalinta Axada ee todobaadka dambe.