RIKOORADII Xalay laga diiwan galiyay kulankii kooxaha Liverpool iyo Tottenham Hotspur

Liverpool lix jeer ayey ku guuleysatay tartanka ugu sarreeya kooxaha Yurub (Champions League)

Klopp waa tababarihii afaraad oo koobka Yurub u qaada Liverpool kadib Bob Paisley, Joe Fagan iyo Rafael Benitez.

Klopp waa tababarihii shanaad oo Germany ah oo koobkan ku guuleysta kadib Dettmar Cramer, Jupp Heynckes, Ottmar Hitzfeld iyo Udo Lattek.

Waa koobkii ugu horreysay kama dambeysta Champions League oo aan la bixin wax kaar ah.

Maxamed Salaax waa ciyaaryahankii shanaad Afrikaan ah oo ku guuleysta tartanka kadib Rabah Madjer, Samuel Eto’o, Didier Drogba iyo Sadio Mane.

Goolkii Salaax waa kii labaad ee ugu dhaqsiyaha badan (1:48), kadib goolkii
Paolo Maldini (00:50) AC Milan iyo Liverpool sanadkii 2005.

Origi waa ciyaaryahankii labaad oo Belgian ah oo gool dhaliya kama dambeysta tartanka, marka laga reebo Yannick Carrasco sanadkii 2016-kii.

Ciyaaryahanka Liverpool Trent Alexander-Arnold oo 20 jir ah iyo 237 maalin waa ninkii ugu da’da yaraa ee safta laba kulan ee kama dambeysta Champions League.

Image may contain: 8 people, people smiling, people standingImage may contain: 6 people, people smiling, text

Image may contain: 1 person, smiling