Riyad Mahrez Oo Si Cajiib Ah Uga Jawaabay Hadii Uu Ku Guuleysan Karto Tartanka Gooldhalinta UCL

Gooldhaliyaha naadiga Manchester City, laacibka lagu magacaabo Riyad Mahrez ayaa sheegay inay tahay wax aanan loo saadaalin karin hadii uu sanad ciyaareedkan hanan karo tartanka gooldhalinta Champions League.

Koobkaan ayaa ah midka ugu xisaha badan oo laga dheelo qaaradda Yurub, kaasi oo kooxdiisa isha ku hayso inay usoo baxdo wareega Bug-baxa.

Weerar yahanka udhashay dalka Algeria ayaa daboolka ka qaaday in kooxdiisa ay u cadahay sidii ay meel fiican uga gaari lahayd tartamada ay ka qeyb-galeyso.

“Aniga ahaan, waxaan aaminsanahay inaan la gaari waqtigii la ii saadaalin lahaa,” ayuu ku jawaabay markii la waydiiyay hadii uu hanan karto abaalmarintaasi,” ayuu yiri.

“Kooxdeena waxay hiigsaneysaa xagaagan inay meel wacan ay ka gaarto tartamada aan ka qaybgaleyno, waana ku farax-sanahay sida aan nahay,” ayuu ku daray.

“Sikastaba, ma ogin siday wax ku noqonayaa, ALLE ayaan og, balse waa inaan dadaalnaa,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay laacibka Manchester City ee Riyad Mahrez.