Riyad Mahrez Uu Isaga Fariistay Kubadda Cagta Maxaa Ka JiraSky Sports Ayaa Ogaatay

Saakay ayey qof walba ku waabariisatay sheeko layaab laheyd markii akoonka rasmiga ah ee Riyad Mahrez lagu soo daabacay inuu xaalado caafimaad darro awgeed uga baxayo kubadda cagta iyadoo la xasuusto inuu sabtidii kooxdiisa dhibic uga soo dhiciyay AFC Bournemouth kulan ka tirsan horyaalka.

Sky Sports ayaa ogaatay in akoonka Riyad Mahrez la dhacay isla markaana lagu soo qoray wararka ku dhawaaqista ka fariisashada ciyaaraha, waana sheeko dib uga farxin karta dhamaan taageerayaashiisa.

Riyad Mahrez tan iyo bishii January markii ay afar jeer ku fashilantay Manchester City ayuu soo bandhigay ciyaartii ay barbaraha ka heleen Bournemouth, wuxuuna dhaliyay gool laad xor ah daqiiqadahii ugu dambeeyay kulanka.

Warbixintii lagu qoray page-ka Riyad Mahrez sidaan:

“Kadib markii aan wadatashi la yeeshay dhakhaatiir badan, waxaan go’aansaday inaan banaanka ka joogo kubadda cagta” ayaa lagu soo qoray bogga rasmiga ah ee Riyad Mahrez.

“Iyadoo wakhtrigeyga kubadda cagta soo dhamaaday, waxaan jeclaan lahaa inaan erayo yar iraahdo”

“Waxaan doonayaa inaan uga mahad celiyo qof walba oo ku sugan magaaladaan cajiibka ah naxariista iyo taageerada uu ii muujiyay, mar walba qalbigeyga ayaad tahiin”

Si kastaba hadda waa la beeniyay sheekadaas iney jirto, maadaama la ogaaday in gabi ahaanba cinwaanka la jabsatay.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com