Roberto Mancini Oo Ka Warbixiyay Dhaawacii Soo Gaadhay Xiddiga Chelsea Ee Emerson

Macalinka Xulka qaranka Italy ee Roberto Mancini ayaa ka warbixiyay xaalada dhaawac ee xiddiga daafaca Bidix uga ciyaara kooxda chelsea iyo xulka qaranka Italy ee Emerson Palmieri kaas oo dhaawac looga saaray kulankii uu xulka qaranka Italy guusha ka gaadhay xulka Finland ee ka tirsanaa is reeb-reebka Euro 2020.

 Roberto Mancini ayaa ka farxiyay jamaahiirta kooxda chelsea iyo tababare Frank Lampard kadib markii uu u balan qaaday in uuna dhaawac soo gaaray Emerson Palmieri ahayn mid halis ah.

Daafaca ayaa ku bilowday kulanka xalay laakiin kaliya ciyaaray 8 daqiiqo ka hor intii aan dhaawac looga saarin ciyaarta kadib markii uu dhaawac muruqa ah soo gaadhay xilli uu doonayay in uu difaaco weerar rogaal celis ah.

Ma ahayn wax halis ah ayuu  Roberto Mancini yidhi markii wax laga waydiiyay dhaawaca Emerson Palmieri.
Waxa aan u saarnay si uuna u sii xumaan laakiin waxba ma qabo ayuu tababaruhu yiri ciyaarta kadib.

Kooxda chelsea ayaa dhankeeda baaritaan ku samayn doonta xiddiga si ay u ogaato in uu diyaar u noqon karo kulanka Wolves marka uu xiddigu ku soo laabto chelsea .