Robin Van Persie-ga Cusub Ee Haatan Man United oo Luke Shaw Magacaabay

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Man United ee Luke Shaw ayaa sheegay in uu weeraryahanka Da’yarka ah ee Mason Greenwood u noqon karo Man United Robin van Persie-ga cusub.

Xiddiga Mason Greenwood ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku qaadanaya xilli ciyaareedkan kooxda Man United.

Xiddiga 18 jirka ah ayaa dhaliyay 12 gool 4 kalena caawiye ka noqday 36 kulan oo tartamada oo dhan ah isaga oo 20 ka mid ah kulamadaas kaydka ka soo kacay.

Inkasta oo uu booska saxda ah ee Greenwood yahay weerarka tooska ah hadana xiddiga da’yarka ah ayaa ka ciyaaray garabka midig iyo waliba weerarka tooska ah xilli ciayareedkan.

Shaw ayaana aaminsan in uu Greenwood ku jiro qaab ciyaareed cajiib ah una noqon karo kooxda Man United Robin van Persie-ga cusub.

Waxa uu ku jiraa xilli ciyaareed cajiib ah sanadkiisii ugu horeeyay ee kooxda 1-aad, sida iska cad waa gool dhaliye dabiici ah”ayuu Shaw yiri

Xilli ciyaareedkan inkasta oo uuna kulan walba ku bilaaban hadana goolashiisa ayaa ah kuwo cajiib ah sidoo kale caawiye ayuu ka noqdaa goolasha, marka la eego in uu yahay xiddig aad u yar waliba sanadkiisii ugu horeeyay u ciyaarayo kooxda waxa uu qabtay shaqo fiican.

Man Utd legend Paul Scholes compares Mason Greenwood to Robin van ...

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com