Romelu Lukaku iyo iskoorka uu ka heesto Chelsea Wax ka ogow

Maanta oo Sabt ah 2:30 PM duhurnimo xiliga geeska Afrika kulan aad u weyn ayaa waxa uu ka dhici donaa garoonka Stamford Bridge wuxuuna dhex mari doonaan kooxaha Chelsea Vs Man United.

Haddaba ka hor kulankan waxaa si gaar ah diirada loo saaray weeraryahanka Man united ee Romelu Lukaku iyo iskoorka uu ka heesto kooxdiisii hore Chelsea oo ahayd naadigii gudaha horyaalka england keentay asigoo aad da’ yar.

Wargeyska Squawka ayaa soo daabacday xogta hoos ka muuqato oo si gaar ah lagu gorfeeyay Romelu Lukaku iyo iskoorka uu Chelsea ka heesto:

Lukaku 10-kulan ayuu Chelsea ka hor tagay.

Lukaku 6-guuldaro ayuu Chelsea kala kulmay.

Lukaku 3-guul ayuu Chelsea ka heestaa.

Lukaku 3-gool ayuu Chelsea ka dhaliyay.

Lukaku 1-gool ayuu Chelsea ku caawiyay oo laga dhaliyay.

Xogtaan waa mid kaliya   kulamada horyaalka  Premier League