Ronaldo ayaa Juventus ku Hogaamiyay guul adag oo ay ka gaareen kooxda Lazio

Kooxda kubada cagta ee Juventus ayaa guul muhiim ah ka  gaartay  Lazio kulan katirsan horyaalka Seri- A

Naadiga ka dhisan garoonka  Stadio Olimpico ee Lazio ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed aad u cajiib ah  waxayna sameeyeen fursado badan ah, balse ma aysan ka faa’ideeysan.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay kooxda  Lazio ayaa halkeeda ka sii waday sameynta dhowr fursadood ee cajiib ah, waxayna si xoogan u warareen goolka Juventus.

Daqiiqadii 59-aad Emre Can ayaa iska dhaliyay gool onGoal ah, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 1-0 ay hogaanka ku qabatay  Lazio.

Laakiin Juventus ayaan sidaas ku aamusin waxayna goolka barbaraha la yimaadeen daqiiqadii 74-aad, iyada oo goolkan uu u dhaliyay daafaca dalka Portugal ee Joao Cancelo, waxayna cayaarta noqotay barbaro 1-1 .

Dhamaadka ciyaarta gaar ahaan daqiiqadii 88-aad garsooraha ciyaarta ayaa ku abaal mariyay kooxda Juventus rigoore, waxaana gool u badalay Cristiano Ronaldo, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 1-2.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 1-2 oo ay kooxda Juventus kala soo laabatay Stadio Olimpico.Image result for Joao Cancelo, goal lazio vs juventus 2019

Image result for Joao Cancelo, goal lazio vs juventus 2019Image result for lazio vs juventus 2019

Image result for lazio vs juventus 2019

Image may contain: 1 person, text