RONALDO ayaa si cad u fahamsan kooxda uu doonayo Gareth Bale

Cayaaryahanka weerarka ee Cristiano ronaldo ayaa si cad u fahamsan in laacibka Gareth Bale uu doonayo inuu u dhaqaaqo kooxda kubada cagta ee Manchester United.

Gareth Bale ayaa la filayaa inuu ka tago Real Madrid ka dib markii uu dhaawac kubka ah soo gaaray, islamarkaana uu ku dhibtooday nolosha kooxda ka dhisan magalada  madrid.

Madaxa sare ee Real Madrid Florentino Perez ayaa la sheegayaa inuu si aad ah ugu jahwareeray dhibaatada haysata xididga xulka Wels, waxaana uu rajeynayaa inuu xagaaga iska iibiyo.

Bale wuxuu doonayaa inuu ku laabto Horyaalka Premier League, halkaasoo uu ugu magac weyn ka sameeyay waqtigiisii kooxda Tottenham.

Xiddiga garabka ka cayaara ayaa lagu soo waramayaa inuu u sheegay Ronaldo inuu qorsheynayo u dhaqaaqista Manchester United, sida laga soo xigtay wargeysga Don Balon.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com