Ronaldo Oo Caawa Taageeri Doona Liverpool Champions League & Sababta

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa la sheegayaa in uu Doonayo in ay Liverpool garaacdo naadiga Barcelona kulanka caawa ee champions League kana tirsan lugta 1-aad ee Semi-finalka tartanka kana dhici doona Camp Nou.

Cristiano Ronaldo ayaa shaki la’aan daawan doona kulanka caawa marka ay Liverpool la ciyaari doonto kooxda Barcelona .

Kabtanka Barcelona ee Lionel Messi ahna xiddiga ugu fiican aduunka ayaa si weyn indhaha loogu hayn doonaa in uu ku guulaysto tartanka champions League.

Cr7 ayaa dhankiisa ka hor Maray xiddiga ay xafiiltamanaan marka laga hadlayo dhanka ku guulaysiga champions League.

Xiddiga Juventus ayaa ku guulaystay 4 champions league intii uu joogay Real Madrid taas oo la macno ah in uu 5 champions league ku guulaystay xirfadiisa ciyaareed halka uu hal koob oo champions League ah kula guulaystay Ma United.

Sidoo kale Messi ayaa ku guulaystay 4 champions League intii uu u ciyaarayay kooxda Barcelona waxnaa uu ka mid ahaa kooxdiis Barcelona ee ku guulaystay champions League-gii ugu dambeeyay xilli ciyaareedkii 2015.

Caawa Lionel Messi ayaa fursad u haysta in uu ku sii dhawaado ku guulaysiga champions League 5-aad ee xirfadiisa ciyaareed lana bar-bareeyo xiddiga Cristiano Ronaldo.

Sidaas darteed Cristiano ayaa caawa taageeri doona kooxda Liverpool si ay u soo afjaraan rajada Lionel Messi ee ku guulaysiga champions League xilli ciyaareedkan si uu wali uga horeeyo dhanka koobabka champions League.