Ronaldo Oo Dhaliil Culus U Jeediyay Milkiilaha Real Xili Uu Qiray Inuu Guulo Waawayn Ku Gaarey Madrid

Cristiano Ronaldo ayaa ku dhaleeceeyay milkiilaha naadiga kubadda Rea Madrid inaanu si dhab ah ugala xaajoon arrimaha ku aadan sii joogitaankiisa Los Blancos.

CR7 ayaa soo gabagabeeyay waayihiisa Boqorada dalka Spain horaantii sanad ciyaareedkan isaga oo iska dhiibay dhinaca naadiga Manchester United ee dalka Ingiriiska.

“Florentino Perez marnaba ma uusan soo eegin dhinaca kamid ah xiriiradeyda ganacsiga,” ayuu yiri Ronaldo, oo wareysi siiyey majaladda France Football.

“Sheyadu waxay ii sheegeen aniga, isaga inaanu marnaba igala hadlin qalbiga.

“Waxyaabo wanaagsan ayaa Madrid ku gaarey, waxaana kusoo qaatay waayo qurux badan, waxaana ku lahaa saaxiibo qiimo badan oo aan xusuusan doono mar walba.

“Mar kasta waxaan xusuusan doonaa taageerayaasha, laakiin waxaan aaminsanahay in Sagaal sano kadib in halkaan ay tahay waqtigii aan ku bedali lahaa kooxda.

“Aniga waxaan ku dareemayaan kooxda gudaheeda gaar ahaan madaxwaynaha inaanu marnaba itix-gelin doono, isla waqtigaasi oo uu sameeyay.

“Madaxwaynuhu wuxuu isoo eegay inaanu aniga igu tiirsanaan doonin wax badan iyaga,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay¬†Cristiano Ronaldo.