Ronaldo Oo Ka Hadlay Faa’idda Uu Ku Qabo Dhisitaanka Hoteel Cusub Oo Uu Paris Ka Hir-gelinayo

Xidiga Juventus ayaa tibaaxay in magaaladda Paris ay tahay mid kamid ah goobaha loogu soo booqashadda badan yahay caalamka.

Sababtaasi darteeda ayuu carabka ku dhuftay inay ku doorteen inay hoteel cusub ka furtaan isaga iyo shirkad uu saami ku leeyahay.

War-saxaafadeed kasoo baxay shirkadda ayaa looga soo xigtay Ronaldo isaga oo soo dhawaynayo mashruucaan.

“Waa caqli suuban inaan Pestana CR7 [magaca hoteelka] aan ka furano Paris oo kamid ah meelaha loogu booqashada badan yahay dunida,” ayuu yiri Wiilkii hore ee Real Madrid.

“Waa koob kulisa dhamaan dadka caqliga usaaxiibka ah iyo meesha loogu macaasha badan yahay,” ayuu sii raaciyay.

Sikastaba, Ronaldo ayaa wuxuu CR7 brand uu ku leeyahay Saami dhan 50%, waxaana Hoteelka cusub uu qayb ka noqonayaa kuwa uu wiilkaan reer Portugal ku leeyahay meel kala duwan oo caalamka ah.