Ronaldo oo ka shaqeenayo sidii mohamed Salah loo keeni lahaa Real madrid

Xiddiga Ronaldo ayaa la dhacsan hormarka heerka sare ah ee Mohamed Salah ka sameenayo  horyaalka Premier League wuxuuna maamulka  kooxda Real Madrid ku booriyay in xidigaan xagaagan la keeno. garoonka Bernabue

Mohamed Salah ayaa kusoo baxay hogaamiyaha kowaad kooxda Liverpool asigoo 32-gool xili cayaareedkan dhaliyay dhamaan tartamada kala duwan.

Sidaa darteed shabakada Diario Goal ayaa qortay in Cristiano Ronaldo uu madaxweynaha Real Madrid weydiistay Salah kooxda lagu soo kordhiyo marka uu xili cayaareedkan soo idlaado.

Warbixintaan ayaa laga dhex fahmay in Grathe Bale kooxda laga diri doono madaama Bale dhaawaciisa batay sidoo kalena Salah ay isku boos yihiin.

Sidoo kale Diario Goal waxay qortay in naadiga PSG xitaa isku dayi doonto xagaagan soo qaadashada Mohamed Salah waa hadii ay Neymar lumiyaan kuna biiro Kooxda Real Madrid

 

 

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com