Ronaldo Oo Ku Guuleystay Abaal Marinta Xiddigii Ugu Fiicnaa Horyaalka Italy

Xiddiga Ronaldo ayaa ku guuleystay abaal marinta laacibkii ugu fiicnaa horyaalka Italy ee xilli ciyaareedka 2018/2019-ka

Bogga Italy Football ayaa sheegaya in Ronaldo loo siiyay abaal marintaas marka la eegay heer ciyaareedkiisa wacnaa ee uu la soo bandhigay Juventus ee xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay .

Waxa uu Ronaldo dhaliyay 22 gool halka 11 kalana uu sameeyay ka dib 33 kullan ee uu u saftay kooxda Juventus ee xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay .

Dhanka kale goolhayaha Inter MIlan ee Samir Handanović ayaa ku guuleystay goolhayihii ugu fiicnaa horyaalka Italy halka abaal marinta daafaca ugu fiicnaa uu helay Kalidou Koulibaly oo Napoli ah .

Abaal marintii qadka dhexe ee ugu fiicinaa horyaalka Italy waxaa helay Sergej Milinković-Savić oo Lazio u jooga halka weraryahankii ugu fiicnaa uu helay weerayahanka Sampdoria ee Fabio Quagliarella kaasi oo dhaliyay 26 ghool oo horyaalka ah .

Ugu dambeyn xiddiga Roma ee Nicolò Zaniolo ee 19-ka sano jirka ah ayaa noqday da`yarkii ugu fiicnaa horyaalka Italy