Ronaldo oo Magacaabay 5 ta Wadan ee dalkiisa kula tartami doonta koobka Aduunka

Xiddigii hore ee xulka Braziil Ronaldo ayaa magacaabay shanta wadan ee dalkiisa kula loolami doonta koobka aduunka oo bisha 6 aad ee Sanadkaan ka bilaaban doona dalka Ruushka.

Ronaldo oo 2 mar Braziil u qaaday koobka aduunka ayaa sheegay in Sanadkaan uu aad u adkaan doono koobka aduunka isaga oo hoosta ka xariiqay in ay jiraan dalal xoog badan oo Braziil ku ciriirin doona ku Guuleysiga markeedii 6 aad.

laacibka ayaa sheegay in dalalka Germany Spain England, France, Argentina,oo wadata Lionel Messi, ay aad u adkaan doonto in si sahlan looga qaado koobka waxaase uu markasta aaminsanyahay in dalkiisu ku Guuleysan karayo xiligaan koobka aduunka 2018.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com