Ronaldo Oo Sharaxaad Ka Bixiyey Sababta Aysan Man Utd Ugu Qalmin Guushii Ay Ka Heshay Juve

Manchester United ayaa guul soo laabasho oo cajiib ah waxay ka heshay dhigeeda Juventus, kulan kusoo dhamaaday 2-1, oo ay ku adkaatay kooxda Premier League dheesha.

Red Devils ayaa goolka looga naxsaday xil uu ka dhaliyay Cristiano Ronaldo, kaasi oo dabaaldeg aan caadi ahayn ka sameeyay garoonka mudadii kulanku socday.

Laakiin, Juan Mata ayaa soo bareejeeyay kahor inta uusan gool iska dhalin Alex Sandro, kaasi oo kamid ah daafacyadda naadiga Marwada Duqda.

Cristiano Ronaldo oo kulanka kadib la hadlay saxaafada ayaa yiri: “Aniga waxaan qolka labiska ku daawaday kulanka oo rogaal celis ah.

“Aniga kuma farax-sani goolka cajiibka ahaa ee aan dhaliyay, balse waxaan sameeyay waqti munaasab ah iyo darbo aad u xoogan,” ayuu hadalkiisa ku daray.

“Aniga aad ayaan ugu farax-sanahay goolkeyga, balse waxaan la kulanay wax xoogaa niyad jab ah, maxaa yeelay waxaan noogala badiyay si fudud.

“Manchester United ma aysan sameynin wax badan, aniga, feker ahaan, waxay abuureen labo fursadood oo halis ah, sababta waa taasi.

“Uma aysan qalmin inay guuleysato, maxaa yeelay muuqaal ciyaareedka ay garoonka ka sameeyeen,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Cristiano Ronaldo.