Ryan Giggs Oo Fariin Hanjabaad Ah U Diray Xulka Qaranka Spain Kahor Kulankooda Caawa

Xulalka Wales iyo Spain ayaa isaga hor-imaan doona caawa kulan saaxiibtinimo, kaasi oo ay labada dal isku baroobaysan doonan.

Dheeshaan wuxuu xaqiijiyey maamulaha dalka Wales, Ryan Giggs inaanu diyaar u ahayn inuu dheelo ciyaaryahan Gareth Bale.

Giggs oo kahor kulankaan la hadlay saxaafadda ayaa cod dheer ku sheegay inuu doonayo sidii uu laba cad uga dhigi lahaa La Rojo.

Luis Enrique, macalinka dalka Spain ayaa dhinaciisa sheegay inay ka go’an tahay inuu wadankiisa guul ku hogaamiyo.

“Waa kulan cajiib ah, kaasi oo aan isugu diyaarinayno si wanaagsan,” ayuu yiri Ryan Giggs oo suxufiyiinta u waramay.

“Waxaan dooneynaa inaan guuleysano kulankaan, balse talaadda waxaan diyaar unahay inaan helno saddex dhibcood,” ayuu xusay.

“Waa dheel adag, balse waxaan ku farax-sanahay inaan la dheelayno kooxda dunida ugu wanaagsan.

“Waxaan kaloo wajahayaa mid kamid ah tababarayaasha caalamka ugu fiican,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Ryan Giggs, ciyaaryahankii hore ee kooxda Manchester United.