Saalax Muxuu Ka Yiri Hadii Lala Barbardhigo Leo, Inuu Doonayo Qaadista CL & Rajadiisa Koobka Aduunka

Inkastoo ay garbo siman ka yihiin tartanka loogu jiro qaadista kabta dahabka ee Yurub, hadana Maxamed Saalax ayaa wuxuu hoos udhigay in lala barbardhigo Lionel Messi.

Xidiga Liverpool, ayaa wuxuu dhaliyey afar gool kulankii ay Sabtidii garaaceen dhigooda Watford, taasoo ka dhigtay gooldhaliyaha ugu badan Premier League.

“Xaqiiqdii waa wax wanaagsan in la barbardhigo ciyaaryahan sida Messi, oo ah kan ugu sarreeya sannado badan” ayuu yiri Salah oo ka hadlayay xafladda Vodafone.

“Laakiin, waxaan ka hadlayaa isla barbardhigida ayaa ah tiradda goolasha aan een dhalinay,” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Image result for Salah at Vodafone

Isagoo soo hadal qaaday kulankii Manchester City ay artanka Champions League kula balansan yihiin iyo waliba hadii uu doonayo ku guuleysiga Champions League ayuu yiri: “Afar dhamaadka [CL] iyo isku aadka waa mid fiican.

“Waan ognahay in City ay fiican tahay, waxaana u garaneynaa si wanaagsan, waxaa xaqiiqo ah inaan si adag ushaqeyn doono si aan gaarno afar dhamaadka, waxaana doonayaa inaan Champions League uqaado Liverpool

“Waxaan rabaa inaan gool qaas ah aan ku lahaada, laakiin ma aanan soo bigin tan iyo dhamaadka xili ciyaareedkan,” ayuu raaciyay

Ugu dambeyn, koobka aduunka ee Ruusha lagu qaban doono ayuu ka yiri: “Masar waxay ka qeyb galeysaa koobka aduunka – Kooxdeeuna waxay ka kooban tahay ciyaaryahano yar-yar, kuwaasoo bixinaya wax walba oo ay awoodaa, waxaase jira kuwa waa weyn.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com