Saalax Oo U Goodiyay Man Utd Ka Hor Kulanka EPL Xili Uu Shaaciyay Waxa Uu Rabo Inuu Sameeyo

Weerar yahanka kooxda kubada cagta Liverpool ee Maxamed Saalax ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in kulanka ay wajahaan Manchester United, uu doonayo inuu sii dheereysto goolasha uu ka dhalinayo Premier League

Xidigaan ayaa wuxuu hada yahay midka ugu gooldhalinta badan EPL, inkastoo ay iskala siman yihiin Harry Kane, waxayna wada leeyihiin min 24 gool iyadoona Saalax uu kaalinta koowaad ugu jiro inuu sameeyay caawimaad badan

Sikastaba, kulanka Manchester ay usafreyso Liverpool ayaa wuxuu yahay mid go’aamin kara kooxda midkood kaalinta koowaad uga jirta EPL, maadaama ay hada wada fadhiyaan kaalmaha labaad iyo Saddexaad

“Waxaan xasuustaa in kulankii hore ee fasal ciyaareedkan aan lumiyay fursado badan, markalena inaan wajaho David De Gea, aad ayaan ugu farax-sanahay,” ayuu Saalax ku sheegay wareysi uu siiyay Sky Sport

“Ka hor kulankaan si fiican ayaan isugu diyaarin doonaa, waxaana doonayaa inaan dhaliyo goolal si aan usii noqdo midka hogaaminaya tartanka gooldhalinta,” ayuu laacibkaan reer Masar ku daray hadalkiisa

“Waxaan ognahay inaan wajahayno Man United iyo De Gea, oo ah labada isku dhinac ah, kuwaasoo aad ay u adag tahay inaan wajahdo, waxaana rajeynayaa inaan si fiican ugu raaxeysano kulanka,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com