Sababta Dhabta Ah Ee Uu Chelsea Uga Soo Tegay, Hadii Real Ay Tahay Kooxda Dunida Ugu Fiican Iyo Thibaut Courtois Oo Afka Furtay

Goolhayaha naadiga Real Madrid ee Thibaut Courtois ayaa wuxuu sharaxaad dheeri ah uu ka bixiyay go’aankii uu kaga soo dhaqaaqay Blues.

“Waxaan doonayey inaan udawaado qoyskayga, waxaana doonayaa inaan umahad-celinayo qof walba oo iisuura-geliyay inaan halkaan yimaado, si gaar ah caruurteyda hooyadooda,” ayuu yiri Thibaut Courtois.

“Inkasta oo aanan mudo dheeri si wadajir ah ukulmin, hadana waxay ii tahay shaqsi gaar ah,” ayuu xusay.

“Maanta waxaan ahay Madridista. Waxaana kamid iyaga. Hala Madrid,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

“Inaan halkaan imaado waxay ii tahay wax qaas ah, maxaa yeelay waa kooxda dunida ugu wanaagsan, mana ahan wax fudud.

“Waxaan suhaqeeyay si adag si aan halkaan u imaado, waxaana ay ahayd riyadeyda tan iyo caruurnimadeyda inaan halkaan imaado,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Goolhaye Thibaut Courtois.