Sababta Uu Bandhigiisa U Liito, Inuu Isbedal Rajaynayo & Sanchez Oo Fariin U Diray Jamaahiirta United

Weerar yahanka kooxda kubada cagta Manchester United, wiilka lagu magacaabo Alexis Sanchez, ayaa wuxuu ku sheegay in sababta uu muuqala ciyaareedkiisa uliito tan iyo markii uu Old Trafford yimid ay tahay inuu kooxda kusoo biiray bisha Janaayo.

Laacibkaan ayaa waxay tahay markii ugu horeysay ee uu Janaayo bedasho kooxdiisa, sida uu isaga qirtay, laakiin wuxuu rajeynayaa inuu isbedal ka yimaado maalmaha soo socdo, inkastoo hada lagu jiro qeybtii ugu dambeysay ee xagaagan.

“Waa markii ugu horeysay ee aan bedasho kooxdeyda bisha Janaayo, laakiin wax walba oo dhacay waxay ahaayeen kuwa aan aniga doonayay sidaas darteeda, waxaan rabaa inaan isbedal aan sameeyo,” ayuu warbaahinta Shiinaha usheegay Sanchez.

“Waxaan ku dhawaaday inaan waayo booskeyda qaranka, maxaa yeelay in aanan bandhig fiican ka sameyn United, laakiin wax walba waxaan rajenayaa inay isbedali doonan oo ay noqon doonan kuwa wanaagsan,” ayuu sii daba dhigay.

“Waxaan la hadlay Claudio [Bravo] – Waxaan usheegay inaan aad uga xumahay inaan seego xulka saddex kulan, islamarkaana aan hada diyaar u ahay inaan wada midowno, waxaana rajeynayaa inaan wada shaqeyn yeelano,” ayuu ku daray

“Inaan kusoo biiro Man United waxay kusoo aaday waqtiyo aad u adag, laakiin waxaan rabaa in Jamaahiirta kooxda ay wali ii muujiyaan kalsooni maxaa yeelay iyaga ayaa ah kuwa mar walba ka qeyb qaatay dhiira gelinta,” ayuu raaciyay

Sikastaba, Sanchez ayaa wuxuu dhaliyay Hal gool – 10 kulan oo uu Old Trafford kooxda ku dheeshay uu udheelay tan iyo markii uu Arsenal uga soo biiray bartamihii xili ciyaareedkan ama bishii Janaayo, markaasoo uu suuqa furnaa

Laacibkaan oo hada wadanka Shiinaha jooga ayaa wuxuu halkaas ugaaray si uu usoo guto waajibaadka xulkiisa, waxayna kula dheeli doonan halkaas xulka qaranka kubada cagta Sweden, halkaasoo ay isku arki doonan saaxibkiisa ay isku kooxda yihiin ee Zlatan.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com