Sababta Uu Morata Ugu Xiisay, Xiriirka Isaga & Ramos Iyo Costa Oo U Hanjabay Xidiga Real Ka Hor Madrid Derby

Weerar yahanka kooxda kubada cagta Athletico Madrid, ee Diego Costa, ayaa wuxuu qirtay inuu aad ugu xiisay xidiga Chelsea, ee Alvaro, Morata, kaasoo hada aan kamid ah laacibiinta qaranka Spain matalasay kulamada soo aadan, Morata iyo Costa ayaa waxay waqtiyo kala duwan ay kusoo qaataan caasimada Ingiriiska ee London, halkaasoo gooldhaliyaha Atletico Madrid, uu kasoo dhaqaaqay kadib markii uu khilaaf soo kala dhex-galay isaga iyo waliba macalin Conte.

“Waan uxiisay Morata, maxaa yeelay wuxuu yahay mid aan si fiican iskula qabsanay,” ayuu Costa ka sheegay shir Jaraa’id.

“Waxaan ka helayaa aniga tartanka – Waxaana urajeynayaa inuu kamid noqdo liiska dambe ee ciyaartoyda [Spain],” ayuu hadalkiisa ku daray.

“Hada isaga wax walba uma ahan kuwa wanaagsan, waxaana urajeynayaa inay wax badan isbedalaan – Mar walba waa uu jirayaa cadaadis hadii uusan gooldhaliyuhu dhalin goolal.

“Hada kama fikirayo wax ku saabsan koobka aduunka ee Ruushka, waana wali, waxaana rajeynayaa inaan kamid noqdo liiska xidigaha Spain.

“Hadii aan uraaco Spain, Koobka aduunka, waxaan rajeynayaa inaan ka caawin doono wada saxda ah ee aan awoodo,” ayuu sii daba dhigay.

Ugu dambeyn, mar uu ka hadlay xiriirka kala dhaxeeya Sergio Ramos, ayuu ku tilmaamay mid wanaagsan, laakiin wuxuu ubalan qaaday inuu si adag uu ula tartami doono marka la gaaro kulanka xiisaha leh ee Madrid Derby, oo 8-da April, loo balansan yahay.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com