Saddex Arrin Oo Cajiib Ah Oo Ku Dhaafay Hadii Aadan Daawan Kulankii Ay City Silcisay Chelsea

Manchester City ayaa iska sii wada guulaha ay gaareyso Isbuucaan, waxayna markaan dul-martay Chelsea, kadib markii ay uga soo adkaadeen iyagoo jooga Etihad Stadium 1-0, xili goolka uu dhaliyay Bernardo Silva.

Sikastaba, guushaan ayaa waxay siiseysay naadiga Macalinkii hore ee kooxaha Barcelona iyo Bayern Munich inay ku qabtaan hogaanka Premier League 18 dhibcood, waxayna ka sareeyaan Liverpool, oo kaalinta labaad ku jirta.

Hadaba, Hoos Ka Arag Saddex Waxyaabood Ee Ku Dhaafay:

Taageerayaal Garab Istaagay Pep Guardiola

Qaar kamid ah, taageerayaasha kooxda Manchester City ayaa waxay soo qaateen boor weyn, kaasoo ay kusoo qoreen Erayo umuuqday kuwa ay ku amaanayeen macalinkoodaan,  kaasoo hada guulo waa weyn usoo hooyay.

Manchester City fans backed Guardiola's choice to show support for Catalonian independence

“Ciidankii Baluuga iyo Cadaanka ee Guardiola” ayaa ku qornaa Boorkaan, kaasoo qeyb kamid ah garoonka laga soo qabtay sawir laga soo qaaday.

Weerarkii Chelsea Oo Liitay

Waxaa ugu dambeysay Tobban sano ka hor in kooxda kubada cagta Chelsea kaliya ay sameyso qeybta koowaad Hal Shuud ama Laad, waxaana ay taasi dhacday kulankii Shalay guul darada la kulmeen.

Eden Hazard cut an isolated figure as Chelsea were disappointing in attack in the first half

Xaqiiqo uruuriyaha Opta ayaa wuxuu bilaabay islamarkaas inuu soo tabiyo sheekooyin ku saabsan arrintaan, waxayna tani muujineysa sida ay Chelsea weerarkeeda u ahaa shalay mid aad tacbaan u ah.

Benardo Silva Oo Mar Kale Is-muujiyay

Laacibkaan dalka Portugal udhashay ayaa wuxuu ciyaartaan ka sameeyay saameyn xoog leh, kadib markii uu dhaliyay goolkii kaliya ee farqiga ukeenay labadda kooxood, waxaana uu yimid goolkiisa qeybta labaad.

Bernardo Silva celebrates scoring what proved to be the only goal of the game

Wuxuu umuuqdaa mid jecel inuu goolal dhaliyo kulamada waa weyn, iyadoona la xasuusto tii uu kusoo dhigay Arsenal, markaasoo uu labo gool kaga dhaliyay gurigooda Emarites, isagoona sidoo kale ciyaartii Final-ka shabaqa gaaray.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com