Saddex Dhacdo Oo Ku Dhaaftay Hadii Aadan Daawan Kulankii Ay Barca Burbursatay Atletico

Barcelona, ayaa Sideed dhibcood oo nadiif ah, waxay ku qabatay hogaanka horyaalka La Liga, ee dalka Spain kadib markii ay 1-0 uga adkaadeen Camp Nou, dhigooda Atletico Madrid, ciyaar xiiso gooni ah lahayd.

Lionel Messi, ayaa wuxuu dhaliyay goolka qura taasoo ay ciyaartaan ka heshay Barcelona, waxaana goolkiisa oo yimid daqiiqadii 24aad ee Bogga labaad uu ahaa Free Kick ama Laad-xur oo waliba toos ahaa.

Hadaba, hoos ka arag Saddex waxyaabood ee ku dhaafay:

Valverde Oo Soo Afjaray Habaarkii Ka Haystay Simeona

Hogaamiyaha Barcelona, ninka lagu magacaabo Ernesto Valverde ayaa wuxuu soo gaba gabeeyay 12 kulan oo wax guul ah uu ka gaarin macalinka Atletico Madrid ee Diego Pablo Simeone, isagoona hogaanka Minankiisa ku xaaqay.

Ernesto Valverde and Diego Simeone exchange pleasantries before their huge top of the table clash on Sunday afternoon

Valverde ayaa waxay utahay guushaan midiisii ugu horeysay ee uu ka gaaro Simeona waayihiisa macalinimo oo dhan.

Messi Oo Saddex Kulan oo Xiriir Ah Laad-xur ah dhalinaya

Goolkii uu Messi dhaliyay ciyaartii Camp Nou ka dhacday oo ahaa Free Kick toos ah ayaa wuxuu ka dhignaa kii 600aad ee uu Leo shabaqa soo taabto xirfadiisa kooxeed iyo mid Xuleed oo dhan.

Lionel Messi scored his 600th career goal with a stunning free kick against Atletico Madrid at the Camp Nou on Sunday

Geesta kale, wuxuu ahaa Free Kick-giisii saddexaad ee uu dhaliyay sadex kulan oo xiriir ah kadib markii uu kasoo dhaliyay kooxaha kala ah: Girona iyo waliba Las Palmas, oo La Liga uu kusoo wajahay.

Iniesta Oo Dhaawac Kulanka Oo Looga Saaray

Marka laga soo tago farxadda guusha Jamaahiirta iyo maamulka Barcelona, waxay ka walwalsan yihiin xaalada Kabtan Andres Iniesta kaasoo dhaawac kulankaan looga saaray, iyadoona ay sheegtay kooxdiisa inuu Muruqa ka dhibtoonayo.

Barcelona's win came at a cost however after Andres Iniesta pulled up with a hamstring issue, forcing him off in the first half

Xidigaan oo ciyaarta laga saaray daqiiqadii 35aad ee qeybta koowaad ayaa waxaa lagu bedalay Andres Gomez, iyadoona wiilkaan reer Portugal uusan wax badan ciyaarta kusoo kordhin, inkastoo aan wax qabadiisa laxaqiri karin.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com