Saddex Dhacdo Oo Ku Dhaaftay Hadii Aadan Daawan Kulankii Ay Real Madrid Dubatay PSG

Real Madrid, ayaa waxay kaga gaareen gurigeeda kooxda kubada cagta PSG, guul weyn, taasoo ahayd 2-1, islamarkaana ka saaciday inay iska xaadiriyaan wareega Sideed dhamaadka ee tartanka xiisaha leh ee Champions League.

Cristiano Ronaldo iyo Casemiro, ayaa waxay dhaliyeen labadda gool oo ay Real Madrid heshay qeybta labaad, halka PSG ay uga mahdineyso goolkeedaan tacbaanka ahaa, ciyaaryahankeeda Edinson Cavani.

Kulankaan oo ka tirsanaa lugta labaad ayaa waxay wadar ahaan lugtii hore iyo tii koowaad ay kusoo kala baxeen labadda dhinac 5-2, oo ku badisay Real Madrid – Hoos Ka Arag Saddex waxyaabood ee aad seegtay.

Jawiga Garoonka

Taageerayaasha PSG, ayaa waxay ka dhabeeyeen balankii ay horey uqaadeen, taasoo ahayd inay jawiga ay bedali doonaa, marka ay soo dhaweynayaa Real Madrid, waxayna garoonka oo dhan ay ka dhigeen mid Ciiq ah.

Waxaa intaas dheereed in billow iyo dhamaad ay ahaayeen kuwa Qeylinayay, laakiin taasi kama aysan joojin wiilashii uu Zidane, soo dirsaday inay kasoo baxaan garoonka iyagoo aanan waxba dhalin, waxay sameeyeen bandhig qurux badan.

Martida Garoonka Joogtay

David Beckham iyo Gary Neville, ayaa waxay qeyb ka ahaayeen martida garoonka, waxaana xusid mudan in Beckham, uu horey ugu soo dheelay labadaan kooxood, wuxuuna goob-joog u ahaa kooxdiisii hore oo la dubanayo.

Sidoo kale, garoonka waxaa fadhisay marti sharaf kale oo badan, kuwaasoo ka socday qeybaha kala duwan ee Isboortiga iyo waliba masuuliyiin ka kala tirsan kooxihii wada dheelayay ee Real Madrid iyo PSG.

Ronaldo Oo Ku Dhawaaday Inuu Dagaalamo

Intii lagu guda jiray ciyaarta Cristiano Ronaldo ayaa wuxuu ku dhawaaday labo jeer inuu dagaalmo mar wuxuu Haraati ku dhufan yahay Dani Alves, kadib markii Kubada looga buundeeyay si xariiftinimo ah, taasoo uu ka carooday.

Image result for Ronaldo and Alves

Sidoo kale, mar kale waxay ahayd intii lagu guda jiray Dabaal-dega goolkii uu dhaliyay kaasoo Madax ahaa, isagoona dhanka Taageerayaasha intii ujeestay uu iska dhigay Nin Feeri raba oo kale, sida ay leedahay Majalada Marca.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com