Saddex Kamid Ah Xidigaha Barcelona Oo Laga Baaray Daawooyinka Kordhinta Awooda Jirka

Barcelona ayaa markii ugu horeysay waxay war kasoo saartay baaritaan uu xiriirka kubadda cagta Yurub ku sameeyay qaar kamid ah xidigaha naadigaan ka dhisan gobolka Catalonia.

Ciyaartoyda baaritaanka lagu sameeyay oo kala ah; Luis Suarez, Samuel Umtiti iyo Sergi Roberto ayaa laga tijaabiyey hadii ay isticmaalayn daawadda kordhisa awooda jirka ciyaartoyda.

Talaabadani oo uu mudooyinkii dambe dar-dar geliyay xiriirka Yurub ayaa ka dambeysay markii ay soo kordheen shakiga laga qabo qaar kamid ah xidigaha oo la arkay inay awooda sareyso.

“Ciyaartoyda oo tababar ku qaadanaya xeradda Joan Gamper, kuwa aanan xulalkooda aadin waxaa uyimid Guddiga oo baaritaanka mid-mid umarsiiyey,” ayaa lagu yiri qoraalka Barcelona.

Laacibiinta kale ee Barcelona ka tirsan, kuwaasi oo tababarka lagu baarey waxaa kamid ah; Inaki Pena, Jokin Ezkieta, Dani Morer, Jorge Cuenca, Oriol Busquets, Riqui Puig iyo Rafa Mujica, oo Junyarta ka tirsan.

Sikastaba, Barcelona ayaa haatan shaxda kala horeynta horyaalka La Liga waxay kaga jirtaa kaalinta koowaad waxay shaqeysatay 16 dhibcood kulamadii ay dheeshay, xili ay nasan doonan todobaadkan oo dhan.