Saddex laacib Oo Man City Oo Seegi Doona Kulanka Everton ee Caawa

Man City ayaa lagu waramayaa in ay wajihi doonto kooxda Everton iyada oo ay ka maqan yihiin 3 laacib oo ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda.

Wargayska Manchester Evening News ayaa sheegaya in uu macalinka  Man City ee Pep Guardiola go,aansaday in uu kooxdiisa ka reebo xiddigaha Kevin De Bruyne, David Silva iyo Vincent Kompany.

Guardiola ayaa Qadka dhexe ka wada ciyaarsiin doona  Bernardo Silva iyo İlkay Gündoğan kuwaas oo ku bilaaban doona khadka dhexe.

Wargayska ayaa sababta uu xiddigahan uga reebay kulanka tahay in uu doonayo in uu nasiyo xiddigaha kulanka Everton

Sidoo kale kabtanka kooxda ee Vincent Kompany ayaa seegi doona kulan isaga oo ku seegi doona sabab la xidhiidha dhaawac uu qabo.

Image result for Kevin De Bruyne, David Silva iyo Vincent Kompany