Safafka Rasmiga Ah Ee Kulamada Valencia Vs Man United- Iyo Young Boys VsJuventus

Waxaa caawa la soo gaba gabaynayaa heerkii guruubyada Champions league ee soo socday tan iyo bilawgii xili cayaareedkan iyada oo kooxaha czyaarayaa ay inta badan og yihiin halka ay kaga dhamaysan doonaan groupkooda laakiin waxaa jira kooxo dhawr ah oo  u tartamaya in ay kaalinta kowaad kaga soo baxaan guruubkooda

Manchester United ayaa marti u ah kooxda Valencia halka Juventus ay la cayaarayso kooxda Young Boys waxayna Man United iyo Juventus isku haystaan kaalinta kowaad si ay uga baxsan karaan kooxaha xaalada fiican ku jira ee kaalinta kowaad kaga soo baxay guruubkooda marka isku aadka 16ka la samaynayo

Jose Mourinho ayaa kulankan isbadalo sameeyay isaga oo ka fikiraya muhiimada kulanka Liverpool wuxuuna goolkiisa ku soo bilaabay Romero waxaana difaaca kuwada jira Valencia, Jones, Bailly iyo Rojo waxaana khadka dhexe ku wada jira Fred, Fellaini iyo Pogba halka Marta iyo Pereira ay weerarka ka caawin doonaan Lukaku

Shaxda Rasmiga Ah Ee Valencia Vs Man United:

Valencia XI: Domenech, Vezo, Diakhaby, Piccini, Lato, Kondogbia, Parejo, Soler, Cheryshev, Mina, Batshuayi

Man United XI: Romero, Valencia, Jones, Bailly, Rojo, Fred, Fellaini, Pogba, Mata, Pereira, Lukaku

Shaxda Rasmiga Ah Ee Young Boys Vs Juventus:

Young Boys: Wolfli; Mbabu, Camara, Benito, Garcia; Sow, Lauper, Aebischer; Moumi Ngamaleu, Hoarau, Fassnacht

Kaydka: Von Ballmoos, Bertone, Assale, Nsame, Schick, Wuthrich, Seydoux

Juventus: Szczesny; Cuadrado, Rugani, Bonucci, De Sciglio; Bernardeschi, Bentancur, Pjanic, Douglas Costa; Ronaldo, Mandzukic

Kaydka: Perin, Chiellini, Dybala, Alex Sandro, Matuidi, Keana