Sagaal bilood Ka dib Macalinka xulka qaranka Soomaaliya ee Bashir Hayford Maxaa u qabsomay

14-Maarso 2019-Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya ayaa tababaraha xulka qaranka Soomaaliya u magacaabay Bashir Hayford oo u dhashay dalka Ghana soona maamulay xulka dalkiisa Ghana.

Sagaal bilood ayuu iminka tababaraha dalka Ghana Bashir Hayford hogaaminayaan xulka qaranka,isagoo kala qeyb galay ilaa saddex tartan oo ka kala dhacay dalal kala gedisan

Kulankii kowaad uu xulka hogaamiyo waxa ay aheyd 23 July 2019 kulan ciyaareed saaxiibtinimo oo u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Jabuti kaas oo ka dhacay garoonka Xaaji Guuleed waxaana badiyay xidigaha Jabuti.

Macallin Bashir ayaa da’daal wanaagsan muujiyay tartankii is reeb reebka koobka aduunka ee (World Cup Qualification),ka dib uu xulka kusoo biiray dhallinyarada ka socotay qurbaha iyo kuwa gudaha waxayna taasi keentay in ay is badal wanaagsan oo dhinaca horomarka.

Halkan Ka Aqriso Natiijooyinka Tababare Bashir

African Nations Championship 2019 (Chan)
03 Auguts 2019-Uganda 4-1 Somalia (Jabuti)
27 July 2019-Somalia 3-1 Uganda (Kampala)

Is Reeb Reebka Koobka Adduunka
05 September 2019-Somalia 1-0 Zimbabwe (Jabuti)
10-September 2019-Zimbabwe 3-2 Somalia (Harare)

Bariga Iyo Bartamaha Afrika (Cecafa Under 20)
23 September 2019 Somalia 1-0 Burundi (Kampala)
25 September 2019 South Sudan 3-0 Somalia

W/Q:Maxamed Xuseen Qalinle