Sané Oo Si Yaab Leh Uga Fal-celiyay In Laga Reebay Xidigaha Germany U Dheeleysa Koobka Aduunka

Layaabka ugu wayn ee shalay ka dhacay kubada cagta wuxuu ahaa markii lagu dhawaaqay xidigaha Germany udheelaysa Koobka Aduunka 2018 laga dhex-waayey Leroy Sane, 22-san jirkaan uga dheela Manchester City weerarka ayaa wuxuu ku qaatay Premier League sanad ciyaareed cajiib ah, isagoona dhaliyay 10 gool, xili uu kusoo bilowday 15 kulan.

Maamulaha Germany, ninka lagu magacaabo Low oo qirsan qudhiisa awooda wiilkaan ayaa sharaxay sababta uu uga tegay.

“Leroy waa mid tayo fiican leh, dhameystiran, dhowaan ayuuna lagu soo laaban doonaa. Isla September, waan ushaqeyn doonaa si aad u adag, laakiin waa mid macquul ah in aanan siinin isaga kulamo xulka ah.

Sikastaba, Sane oo Baraha Bulshada uga fal-celiyay sheekadaan kadib markii dunida kubada cagta ay ka fal-celisay.

Dadka ka hadlay waxaa kamid ah xidiga ay isku kooxda yihiin ee Kyle Walker, kaasoo nasiib uwacan urajeeyay Sane.

Sane oo aan ka gamban inuu ka jawaabo ayaa wuxuu muujiyay niyad-jabkiisa, inkastoo uu xoogaa is xakameeyay.

“Hagaag, waxaad leedahay nasiib, inaadan iga hor imaaneyn aniga, Walaal,” ayuu ugu jawaabay Walker oo kusoo Tag gareeyay qoraal uu ugu muujiyay sida uu uga xun ahay.