Santiago Solari Oo Ka Hadlay Hadii Uu Shaki Kaga Jiro Tayada Qaar Kamid Ah Xidigaha Real Madrid

Santiago Solari, macalinka Real Madrid, ayaa dhinaca isaga leexiyay eedayn ku saabsan inuu tuhun geliyay tayadda qaar kamid ah ciyaartoyda Los Blancos.

Dooddaan xasaasiga ah waxay dhalatay kadib markii uu liiska ka saaray ciyaaryahan Isco kulankii Champions League, markaasi oo ay kusoo badiyeen 2-0.

Si lamid ah wuxuu keydka geliyay kulankii Valencia ay wajaheen ee ka tirsanaa La Liga, inkasta oo uu dib kasoo geliyay ciyaarta, laacibkaan reer Spain.

Solari oo dheesha kadib uwaramay warbaahinta wuxuu sheegay inuu ku qanac-san yahay bandhigyada ay sameynayaan dhamaan ciyaartoyda kooxdiisa.

“Aniga waan ku qanac-sanahay muuqaal ciyaareedyadda Isco iyo ciyaartoydeyda guud ahaan,” ayuu yiri Solari, sida ay kasoo xigatay majaladda MARCA.

“Sidaasi darteeda, waxaan rabaa inaan sheego inaan doonayo inaan si wanaagsan ula tacaamulo guud ahaan ciyaartoyda,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Solari.