Santiago Solari Oo Magacaabay Liiska Ciyaartoyda Uga Qayb-galaysa Kulanka Caawa Ee La Liga

Real Madrid ayaa waxay caawa la balansan tahay dhigeeda Valencia kulan ciyaareed adag oo ka tirsan horyaalka La Liga ee wadanka Spain, kaasi oo ka dhacaya minanka Los Blancos.

Maamulaha boqorada dalka Spain ayaa kahor dheesha wuxuu soo saarey liiska ciyaartoyda uga qayb-galeysa ciyaartaan aadka loo wada sugayo.

Santiago Solari ayaa liiska uu soo xushay waxaa kasoo muuqday xidigo waawayn, isaga oo umuuqda mid diyaar u ah inuu ugu yaraan saddexda dhibcood shaqaysto.

Xidigaha kasoo muuqday waxaa kamid ah Isco, kaasi oo dood ay ka dhalatay inaanu Madrid udheelin ciyaartii ay wajaheen AS Roma ee Champions League.

Ma cadda hadii lagu soo bilaabi doono ama in kale kulankaan, balse waxa ay wax kasta kala cadaan doonan saacad ka hor inta aanan la baasan kulanka.

HOOS KA ARAG LIISKA XIDIGAHA REAL MADRID