Santiago Solari Oo Si Adag Uga Jawaabay Eedaynta Ku Saabsan Inuu Keydka Geliyo Xidigo Muhiim Ah

Guuldaradii Eibar waxay wax kasta uga dhigtay Santiago Solari mid aad qaraar u ah, balse, maamulahaan reer Argentina ayaa si adag isaga difaacay eedayn kale oo loo jeediyay.

Eedayntaan ayaa waxay tahay inuu keydka dhigo ciyaaryahan muhiim ah, sida Isco, kaasi oo qaybta labaad ee kulankii Eibar soo galay balse 3-1 lagu dubtay kooxdiisa.

Isaga oo kulanka kadib uwaramay warbaahinta ayuu carabka ku dhuftay Solari, in taasi ay wax aanan meel kasoo qaad lahayn, islamarkaana aanan loo baahneen.

“Eedaynta ama xulashada shaqsiyaad waa mid aanan kasoo qaad lahayn,” ayuu yiri Solari, kaasi o hadalkiisa ku daray…Waxaan usameynaa wax kasta sida saxda ah.

“Dusha ayaan ugu raranaa wax kasta si aan u guuleysano….Waxaa jira waxyaabo wanaagsan oo ay tahay inaan qaadano, waana kuwa aan diirada saareyno.

“Sida iska cad qolka labiska ma ahan mid masuulka ka ah guuldaradda…Kulamadii ugu dambeeyay waan fiicneen..Waxaana rajaynayay guul,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.