Sarri Oo Amaan Kala Dul-dhacay Morata Xili Uu Uqishay Siduu Dookha 1aad Ku Heli Karo

Chelsea ayaa wajaheysa dhibaato dhinaca weerarka ah – Dhibaatudu waa sidii uu macalinka u kala xulan lahaa Alvaro Morata iyo waliba Olivier Giroud.

Gooldhaliyaashaan ayaa shabaqa soo taabtay ciyaartii ay kooxdooda ka dheeshay tartanka Europa League, kaasi oo ay qarka u saaran yihiin inay hantaaan.

Maurizio Sarri, maamulaha naadiga Blues oo war-fidiyeenka u waramay wuxuu carabka ku dhuftay in ciyaartoydiisa ay markasta usiman yihiin, uuna ukala eexan doonin.

Morata ayuu amaan kala dul-dhacay, isaga oo ku bogaadiyay qaabka wanaagsan ee uu kaga soo kabtay niyad-jabkii uu ka qaaday xagaagaii hore, keydka.

“Morata waa ciyaaryahan dhameystiran….Waxaan arkaa inuu kooxda kaafin karno, kusoo bilaabashada waa arrin kale,” ayuu hadalkiisa udhigay.

“Hadii uu si joogta udhaliyo goolal, uuna farsamo ahaan is-wanaajiyo, waxaan arkaa inay wax kasta u hagaagi doonan,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Maurizio Sarri.