Sarri Oo Wacad Lagu Maray Inuu Talaabadaan Qaadayo Hadii Real Ay Soo Hun-guriyayso Loftus-Cheek

Maurizio Sarri ayaa dib ugu celin doono Real Madrid xidigeeda amaahda looga soo qaatay ee Mateo Kovacic hadii ay soo hunguriyayso bisha Janaayo ciyaaryahan Ruben Loftus-Cheek, sida uu ka dhawaajiyay Martin Keown.

Xeel-dheerahaan arrimaha ciyaarahaan ayaa u sheegay majaladda Daily Mail in Blues aysan waqti xaadirkaan ubaahneen adeega laacibka reer Croatia, islamarkaana ay haysato bedalkiisa.

Ross Barkley iyo Ruben Loftus-Cheek oo udhashay dalka Ingiriiska ayuu rumeysan yahay inay Blues u buuxin karaan booskaasi, inkasta oo ay noqon karto sheeko adag hadii Loftus-Cheek uu dalbado in la fasaxo.

“Aniga marka aan si daacad ah uhadlo waxaa filayaa in Maurizio Sarri uu ogyahay sida ay uwanaagsan yihiin Ross Barkley iyo Ruben Loftus-Cheek, iyo inaanu Chelsea ubaahneen Mateo Kovacic,” ayuu yiri.

“Iyadduna way wanaagsan tahay in Sarri uu haysto isaga, sababta oo ah, waxaan ku farax-sanahay sida aan nahay.

“Adigu kama saari kartid meesha N’Golo Kante, marka waa inaad ku dagaalantaa saddexda ciyaartoy oo khadka dhexe ah.

“Hadii ay Chelsea timaado inay kala dookhato Kovacic iyo Loftus-Cheek, aniga waxaan Real Madrid dib ugu celin lahaa Kovacic, halkii aan Loftus-Creek amaah ku diri lahaa,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Maurizio Sarri.