Savio Oo Ka Hadlay Sababta Ay Real Ugu Cad-cadahay UCL

Garabkii duula ee Real Madrid wiilka lagu magacaabo Savio Bortolini, kaasoo ku dhashay Espírito Santo, oo ka tirsan Brazil, sanadkii 1974 ayaa wuxuu aaminsan yahay in sababta ay Real ugu cad-cadahay qaadista Champions League ay tahay inay uleedahay khibrad.

Laacibkaan ayaa wuxuu kusoo qaatay Madrid waqtiyo kala duwan oo qurux badan, isagoona kula soo guuleystay koobab badan oo uu kamid yahay kan ay hada wareegiisa Sideed dhamaadkiisa ka joogto ee Champions League.

Savio, oo wareysi siiyay Majalada MARCA ee wadanka Spain ayaa wuxuu ka kaloo ka ka hadlay hadii Real Madrid uu kusoo biirayo Real Madrid iyo waliba sababta uu Zidane uu yahay mid ku hoboon inuu sii joogo Boqorada Yurub iyo Spain.

“Real Madrid [ayaa ugu cad-cad] uma dhahayo inaan soo xirtay maaliyadeeda ee waxaan uleeyahay inay tahay koox weyn oo u leh koobkaan khibtad ka duwan dhamaan kooxaha kale, waxayna tahay mida ugu fiican aduunka,” ayuu yiri.

“Sanadkii hore, waxay ka qaadeen Juventus, waxayna hada usocdaan inay la dheelaan si ay Final-ka ugu aadaan, waxaan ognahay in Madrid ay tahay koox mar walba guusha jecel, waxayna leeyihiin tayo sare oo cajiib ah.

Mar la su’aalay hadii Neymar uu kusoo biiri karo Real Madrid ayuu ku jawaabay: “Waxaan mar walba ku fikirayaa in ciyaartoyda waa weyn ay kusoo biiri doonan Real Madrid, waa mid cajiib ah, waana shaqsi muuqaal fiican waana mid wanaagsan, laakiin hada uma baahna isaga.

Ugu dambeyn, Savio Bortolini, oo wax laga weydiiyay mustaqbalka Zidane, ayaa wuxuu sheegay inuu wali yahay macalinkaan reer France, mid sii hogaamiya Madrid, maadaama uu muujiyay inuu yahay mid uqalma inuu baaqi kusii ahaado Los Blancos.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com