Sawir Muujinaya In Messi Uusan Bani’aadam Sax Ah Ahayn Oo Lasoo Bandhigay [Daawo]

Dood badan, ayaa waxay wali ka taagan tahay sax ahaan-shaha in Lionel Messi, xidiga Barcelona, uu yahay mid guud ahaan Bani’aadam ah, iyadoona ay tani tahay mid shaki gelin karta mustaqbalka xidigaan reer Argentina.

Isagoo tababarka la qaadanaya ciyaartoyda ay isku kooxda yihiin, ka hor kulanka caawa ee Atletico Madrid, ayaa waxaa laga soo qaaday Lionel Messi, sawir kaasoo sheekadaan cirka sii gelisay ama xiiso usii yeeshay.

Sawirka ayaa wuxuu muujinayaa iyadoo wiilkaan Lamberka 10aad wata uu ku Laadayo kubada, Lugtiisa bidixna ay umuuqato mid aan toosneyn, islamarkaana ay uu ka fog-yahay Jilibkiisa ku dhawaad 180 Digree Qoobkiisa.

Tani ayaa waxay ka dhigan tahay in Lugta bidix ee Lionel Messi, ay umuuqan karto mid Caag ah, maadaama aysan sidaan oo dhan aysan uwareegan karin Lug ku taala qof Bani’aadan dhameystiran ah.

Sawirkaan oo lasoo dhigay barta Instagram, halkaasoo ay ku wada xiriiraa dad badan ayaa waxay kamid noqon doontaa mid kamid ah sawiradii ugu layaabka badnaa ee Taariikhda laga qaado Lionel Messi.

Sikastaba, kabtanka xulka qaranka kubada cagta Argentina ayaa waxaa la rajeynayaa inuu dheelo ciyaarta ay wajahayaan caawa dhigooda kooxda kubada cagta Atletico Madrid, kaasoo lagu sheegay inuu yahay mid go’aamin kara loolanka La Liga.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com